Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan ka yeeshay laba Arrin oo ka jira Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan ka yeeshay laba Arrin oo ka jira Muqdisho

Shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay arrimo kala duwan ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu ka dhacay gudaha Xarunta Dhalinyarada Maamulka Gobolka ee Caasimadda dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa shir Guddoomiyay, isla markaana waxaa ksoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo Agaasimeyaasha maamulka Gobolka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen dardargalinta iyo sugitaanka amniga Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo ururinta daqli uruurinta Bulshada.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta bulshada Gobolka Banaadir laga siinayo faafida Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Cumar Maxamuud Maxamed Finis ayaa Guddoomiyeyaasha 17-ka degmo ee Gobolka faray inay dardar-geliyaan ololaha wacyi-gelinta Cudurka COVID-19 ee socda.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.