Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Qaraxyada Ka Dhacaya Gudaha M/Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Qaraxyada Ka Dhacaya Gudaha M/Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay falalka lidiga ku ah dhanka amniga ee ka dhacaya gudaha Magaalada Muqdisho oo ay geystaan Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Gudoomiye Thaabita ayaa soo hadal qaaday Qaraxyadii ugu dambeeyay Al Shabaab ay ka geysteen Muqdisho, gaar ahaan Qaraxyadii xarunta Degmada Wadajir iyo kii Saldhiga Degmada Waaberi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulkiis uusan aqbali doonin in la dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka hortagi doonaan cid walba oo isku dayda dhibaateeynta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha in uu ka xun yahay dadkii ku dhintay Qaraxyadaasi, qorshaha maamulka Gobolka Banaadirna uu yahay in si deg deg ah looga jawaabo ficilada nuucaasi ah.

Ururka Al Shabaab ayau mudo Saddex maalmood gudahooda waxa ay laba Qarax ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho, iyada oo Ciidamada dowlada Federaalka ay xireen jidcadayaasha soo gala laamiyada, taasi oo ay ku micneeyeen sugidda amniga.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!