Maamulka gobolka Banaadir oo canshuuraha kula dhegan wasaarada Maaliyada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka gobolka Banaadir oo canshuuraha kula dhegan wasaarada Maaliyada

Mareeg.com: Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda Maaliyadda ayaa maalmahaan isku haya lacagaha canshuuraha ah ee laga uruuriyo magaalada Muqdisho iyo kontoroolada ay ka baxaan ama kazoo galaan gaadiidka xamuulka ah ee ugu faraha badan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku sameeyay koontaroollada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lacag xad-dhaaf ah laga qaado gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya ama ka baxaya magaalada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cali Maxamuud Faarax ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan lacagta sharci-darrada ah ee gaadiidka xamuulka ah looga qaado koontaroollada Muqdisho.

Cali Maxamuud Faarax ayaa xusay in ay soo kormeereen koontaroollada Galgalato iyo Ex-Koontarool Afgooye, halkaasi oo uu sheegay in gaadiidka ay lacag xad dhaaf ah uga qaaddo wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamamay in koontaroolladaas ay kula kulmeen gaadiid xamuul ah oo ku xannibnaa, isla markaana ay dhageyteen cabashada qaar ka tirsan gaadiidleyda.

Wadayaasha gaadiidka xamuulka ah qaarkood ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu maamulka gobolka Baandir wax uga qabanayo lacagta badan ee looga qaado baraha laga soo galo caasimadda.

Dhawaan ayaa maamulka gobolka Banaadir, wuxuu sheegay inuu weysan yahay dakhli badan oo sida uu sheegay uu isagu lahaa inuu qaado, waxaana maamulku wadooyinka u sitaagay Mootooyinka Bajaajta loo yaqaanno si ay lacago uga qaadaan.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weeraray Wasaarada Maaliyada, isagoo ku eedeeyay in canshuuro xad dhaaf ah ay ka qaado haweenka caanaha keenaya, cooska iyo dhagaxa lagu dhiso guryaha ee la canshuuro.

Khilaafka u dhaxeeyo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Maaliyada ayaa sii xoogeysanayay, iyadoo Maamulka uu dhowaan sheegay in dhaqaalihii 15% ee dekeda ka heli jireen la musuq maasuqay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!