Muqdisho, Mareeg.com: Wareegto ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir ayaa lagu amray milkiiliyaasha guriyaha burbursan ee kuyaala degmada Xamarweyne in si deg deg ah ay dib u dhis iyo dayactir intuba ay ku sameeyeen dhismayaashaasi, taasi oo looga gol leeyahay sidii dib loogu soo celin lahaa muuqaalkii qurxoonaa ee magaalada Muqdisho lahaan jirtay.
Shir jaraa`id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa Xoghayaha guud ee Gobolka Banaadir C/kaafi Hiloowle Cismaan ayaa sheegay in milkiilayaasha iska leh gurhaha bur bursan ee ku yaalla Xamarweyne looga baahan yahay in dayactir ama ugu sameeyeen guryahooda, wuxuuna u qabtay muddo saddex bilood ah.
“Muddo sadax bil ayay haystaan dadka iska leh guryaha ku yaalla laga bilaabo saldhiga degmada Xamar Weyne ilaa Hotelkii Curuba, iyo dhanka bankiga dhexe ee dalka, marka waxaan leeyahay hala dhisto dhismayaasha bur bursan” ayuu yiri C/kaafi hilowle.
Dhismayaasha u sida gaarka ah u tilmaamay xoghayaha in la dhiso ayu ku sheegay inay ku yaallaan inta u dhexeysa, baar Shabeelle, bankigii dhexe, baar Minishiibiyo, agagaarka hoteel curubo illaa saldhiga afar irdood.
Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in Muqdisho ay ahaato mid fool xun oo ay doonayaan inay noqoto mid dhisan, isagoo xusay in haddii muddada 90-ka maalmood ah lagu dhisi waayo guryahaas ay si toos ah ula wareegi doonaan.
C/kaafi Hiloowle Cismaan waxaa uu sidoo kale ugu baaqey Soomaalida ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan maalgeshiga iyo dib u dhiska ka socda dalka, si sare loogu qaado horumarka uu dalku ku talaabsanayo.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay amar ugu bixiyey in la dhiso dhamaan dhismayaasha saran wadada muhiimka ah ee Maka Al-mukarrama, taasoo girgeshay.
Deegaanada maamulku amray in la dhiso ayaa qaar ka mid ah wadooyinka mara dhawaan Turkigu dhisay, waxaana meelahaas ka muuqda burbur xoog leh.
Mareeg.com