Maamulka gobolka Baay oo u goodiyey Alshabaab

Mareeg.com: Maamulka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u qaabilsan gobolka Bay ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab-ka gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobolkaas.

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow  oo ka hadlayey maanta kulan ku saabsan ammaanka oo lagu qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gobolka ku sugan ay diyaar u yihiin in ay qaadaan guluf cusub oo Shabaabka looga xoreynayo deegaannada ay maamulaan.

Hoosow ayaa tilmaamay in si amniga loo sugo ay dardargelin doonaan in gacantooda lagu soo celiyo dhammaan deegaannada ka maqan, wuxuuna soo jeediyey in si wadajir ah looga qeybqaato dagaalka Al-Shabaab ka dhan ah.

Al-Shabaab oo inta badan laga saaray magaalooyinka waa weyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa wali ka taliyo dhul ballaaran.

Dhawaan ayaa Alshabaab weeraro ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin agagaaraha magaalada Bayadhabo.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245