Maamulka Garasbaaleey oo War kasoo saaray Mas’uuliyiintii laga dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Garasbaaleey oo War kasoo saaray Mas’uuliyiintii laga dilay

Maamulka deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaankaas oo barqadii Maanta ku geeriyooday qarax xoogan oo lala beegsaday.

Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in qaraxii ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin ka tirsanaa deegaankaas uu ka dhacay Waaxda labaad ee Geeddi fareey ee Garasbaaleey.

Qaraxaas ayuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Axmed ku sheegay inuu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah, isla markaana lala beegsaday Guddoomiye ku-xigeenkii amniga iyo siyaasadda Garasbaaleey Cali Maxamed Macalin iyo Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad, iyagoona lagu aasay Isbitaalka Madiina.

Sidoo kale Guddoomiye Garyare ayaa Mas’uuliyiinta geeriyooday Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo, waxaana uu sheegay in dadkii ka dambeeyay qaraxa ay soo qaban doonaan, si cadaalada loo marsiiyo.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayey ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay xaafadda Xoosh, iyadoona ay sheegay inay ku dileen Cali Maxamed iyo Cabdirashiid Dubbad.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More