Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Galmudug oo lagu wareejiyay Gaadiid dagaal, hub iyo ciidan+Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi oo ay wehliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaano ka tirsan baarlamanka Galmudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan kuwa maamulka Gobalka Mudug ayaa maanta  lagu wareejiyay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa afar gaari oo ah kuwa qoryuhu ku rakiban yihiin kuwaasoo oo ay horay u heeysteen maleeshiyo beeleed.

Munaasabada hubkaan lagu wareejinayay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mida waxgaradkii iyagu dadaalka usoo galay in hubkaan lagu wareejo Dowlad Gobaleedka Galmudug waxayna faah faahin ka bixiyeen
tirada Gadiidka oo ay ku sheegeen ilaa Afar baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo 95 nin oo ka mid noqon doona ciidamada Galmudug.

Gudoomiyaha gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo isna goobta ka hadlay ayaa ka  mahad  celiyay hubka maanta lagu wareejiayay dowlad gobaleedka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa mahad celin kadib sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay ka warqabi doonaan baahiyada ciidamada iyo hubka lagu wareejiyay iyagana looga baahan in ay gutaan waajibaadka ciidanimo ee dowlad gobaleedku uga baahanyahay.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad Gaadiidkaan iyo hubkaan  ugu soo wareejiseen gacanta dowladda maanta wixii ka danbeeyana waxay ka mid noqanayaan ciidamada dowlada Galmudug waxaana siin doonaa tababarro waxaan sidoo kale ka warheeyn doonaa baahidiina ciidanimo idinkana waxaa laydinka rabaa inaad gudataan waajibaadka ciidan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug.

Ma aha markii ugu horreeysay ee hub iyo ciidan lagu wareejiyo maamulkaasi, iyadoo dhowr mar oo hore lagu wareeyay hub iyo ciidan ay lahaayeen beelaha hoos yimaada maamulkaasigaadiidgaadfiid_dagaal

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!