Muqdisho-(Mareeg.com)- Guddoomiyaha Degmada Heliwaa ee Maamulka Gobolka Banaadir, Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa ka codsaday maamulka Gobolka Banaadir in degmadiisa laga gacan siiyo sugidda nabadgelayada, iyadoo degmadaasi ka mid tahay meelaha ugu amaanka xun Muqdisho.
Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa codsigaan jeediyey xiilli uu degmadaasi Kormeer ku joogay duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna ku baaqay in Mamulkiisa laga gacan siiyo Xaqiijinta Ammaanka degmadaasi.
Mr. Jacfaan ayaa sheegay in Ammaanka Degmada Heliwa uu soo hagaagayo inta dhimana ay ku dhameystirmi karto maamulka oo lagu gacan siiyo sugida Ammaanka degmadaasi.
“Waxaa la idinkugu sheekeyn Jiray Heliwaa waxaa degan waxa is qarxiya, hablo qarxaayo iyo Huuhaa, laakin maanta waa tan beenowday oo guddoomiye Tarsan isagoo bad qaba uu nagula sugan yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Cumar Cabdulle Jacfaan oo warbaahinta kula hadlay Hiliwaa.
Gudoomiya Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo isna halkaasi kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maamulka degmadaasi lagu gacan siiyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.
Mareeg.com