Maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku eedeeysay Oromada Itoobiya dilka Soomaali badan  * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ku eedeeysay Oromada Itoobiya dilka Soomaali badan 

Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalo ku dhex maray Soomaali iyo Oromo xadka ay wadaagaan labada dowlad deegaan.

Maxamed Bille ‘Miig’ Wasiirka isboortiga iyo dhalinyarada ahna la taliyaha arrimaha saxaafada ee madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in Soomaali badan lagu laayay deegaanada xuduudaha ee ay wadaagaan maamulada Soomaalida iyo Oromada Itoobiya, wuxuuna falkaas ku eedeeyey ciidamada maamulka Oromiya.

“Dhimasho aad u farobadan ayaa jirta, boqolaal ayay gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku burburtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay” ayuu yiri wasiir Maxamed Bille oo wareysi siiyay Bbcda.

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay dad Soomaali ah oo aanan tiradooda la xaqiijin lagu la sheegay in lagu diley deegaanka Hawaday ee qaadka laga beero ee u dhow magaalada Harar. Dhanka maamulka Oromiya ayaan weli ka jawaabin  eedeymaha loo jeediyay.

Dhinaca kale  magaalada Hargaysa ayaa  xalay labo qof oo Oromo ah lagu dilay bar koontarool oo ku taala wadada u dhaxaysa Hargaysa iyo Arabsiyo kadib markii uu nin askari ah rasaas ku furay.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in askarii la xiray, lana baarayo sababta dilka keentay, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada heegan la galiyay lana faray in aanan wax la yeeleynin dadka Oromada ah ee ku sugan Somaliland.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!