
Baraawe ( Sh.M.Network)-Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Max’ed Barre Jeex oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay In uu isku soo dhiibay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.
Mr Xuseen Max’ed Barre ayaa tibaaxay in Ninkaan ay ka qabteen xeebta Magaalada Baraawe una sheegay in uu ka soo baxsaday Al Shabaab.
Mar aan wax ka weydiinay guddoomiyaha Magaca iyo dhalashada Sarkaalka cadaanka ah ee uu sheegay in ay gacanta ku hayaan ayuu sheegay in dhalasho ahaan uu u sheegay in uu ka soo jeedo dalka Maraykanka walow uusan sheegin Magaciisa.
Ma jiro ilo Madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada masuuliyiinta maamulka degmada Baraawe ee ku aadan in ay hayaan nin ajnabi ah oo ka tirsanaa Al Shabaab.
Dhinacooda ma jiro wax war ah ee ay kaga hadleen Al Shabaab arrintaan, hayeeshee muddooyinkii dambe ayaa waxaa soo ifbaxayay khilaaf Al Shabaab dhexdooda ah oo ku saabsan xubno doonaya in ay ka mid noqdaan Khilaafada Islaamiga ah ee Daacish iyo Hoggaanka Xarakada Al Shabaab oo ka biyo diidan arrintaasi