Maamulka Ahlusunna Waljameeca Oo Iska Fogeeyay Eedeyn Loo Jeediyay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulka Ahlusunna Waljameeca Oo Iska Fogeeyay Eedeyn Loo Jeediyay

Maamulka Culuma’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Guluf dagaal ay Ahlusunna  ku soo qaaday waqooyiga Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxa Warfaafinka maamulka Ahlusunna Muxudiin Jimcaale Jakuula oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ahlusunna aysan waxa dhaqdhaqaaqyo ciidan ah kawadin Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud oo ay weli ay ka jirto Xiisad dagaal taasi oo horay loo sheegay inay u dhaxeeyso Ciidamo taabacsan maamulka Ahlusunna Waljameeca iyo maaleeshiyaad Deegaanka ah.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Madaxa Warfaafinta Ahlusunna in xiisadaha Colaadeed ee ka socda waqooyioga Gobolka Galgaduud ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah wata islamarkaana uu sheegay inay dhibaato ka wadaan Deegaanka.

Hadalkaan ka soo baxay maamulka Culuma’udiinka Ahlusunna Waljameeca  ayaa ku soo beegmay xilli Galmudug ay ku eedeysay Ahlusunna Waljameeca in ay duulaan ku soo qaadeen Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud,kaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ka socdeen dagaalo culus oo saameeyay dadkii ku noolaa Deegaankaasi.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!