Maamulihii Jaamacadda Dawladda iyo dhaqaalaha oo is-casilay

Read Time:1 Minute, 29 Second

Madaxweyne ku xigeenka jaamacadda dawladda iyo dhaqaalaha, Mudane Jibriil Maxamed ayaa maanta shaaciyay inuu si rasmi ah iskaga casilay xilkii uu jaamacadda u hayay isagoo marka xilka ku wareejiyay maamulaha cusub ee lasoo magacaabay.

Jibriil Maxamed oo ahaa madaxweyne ku xigeenka jaamacadda dawladda iyo dhaqaalaha ayaa sheegay inuu iska casilay xilkasi kadib markii boorka jaamacadda ansixin waayeen miisaaniyad uu soo jeediyay in lagu qabto hawlo jaamacadda muhiim u ah.

“Is-casilaadeydu waxay imanaysa kadib markii hogaanka jaamacadda ay diideen inay ansixiyaan miisaaniyad lagu qaban lahaa qorshe hawleed muhiim ah, iyagoo sabab uga dhigay inaysan haynin miisaaniyad ku filan”. Ayuu yiri Jibriil

Jaamacadda dawladd iyo dhaqaalaha oo ah tii ugu horreeysay oo nuuceeda ah oo laga hirgeliyo dalka taaso lagu barto cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ayuu madaxweyne ku xigeenku ahaa qofkii soo gaadhsiisay heerka ay maanta joogto.

“Maalintii la i magaacabay, jaamacaddani waxay kaliya ahayd feker. Aniga iyo kooxdeyda waxaynu ku guuleeysanay fekerkas inaynu ka dhabayno inagoo kadhignay xaruun jaamacadeed oo  agabkeedu u dhamaystiranyahy” ayuu yidhi mudane Jibriil.

Laga soo bilaabo sipteembar sanadkan,  mudane jibriil wuxu jaamacaddu u sameeyay xarruuntii oo uu ka shaqeeyay inay hesho agab dhamaystiran si ardaydu u helaan xuquuq dhameystiran. Wuxu kaloo madaxweyne ku xigeenka ku guuleeystay inuu fee-ga jaamacadda uu qiimo dhimis ballaadhan ku sameeyo inkastoo arrinkasi goluhu aad uga soo horjeeday.

“Arrin kale ayaan hadda ka hor golaha  ku diiday inay ansixiyan. Qiimaha jaamacadda ay usoo saareen aad ayuu qaali u ahaa. Inkastoo caqbaddo farabadan aan arrinkasi xalintiisa kala kulmay, balse waan ku guuleeystay inaan qiimo dhimis ballaadhan u sameeyo ardayda” ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka.

Wuxu kaloo madaxweyne ku xigeenku sheegay inuu si nabad leh xilka uga wareejiyay maamulaha cusub ee jaamacadda isago u rajeeyay inuu alle u fududeeyo xilka cusub ee loo magacaabay.

Muqdisho-Somalia

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %