Maamuladii 3-da iyo 6-da gobol ee Koonfur Galbeed oo la mideeyey

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay iney mideyso labo maamul goboleed ee Koonfur Galbeed Soomaaliya oo iska soo horjeeday, kuwaasoo kala sheeganayey lix gobol iyo saddex gobol.

Munaasabad lagu shaaciyey heshiiska la dhex dhigay mas’uuliyiinta labada maamul ee Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay xarrunta madaxtooyada, iyadoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Raysul wasaare Cabdi Weli Sheekh.

Sidoo kale, waxaa heshiiska goobjoog ka ahaa wakiillo ka socday IGAD, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub iyo siyaasiyiin ka socday maamullada iska soo horjeeday.

Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ah in muddo 30 maalmood gudahood ah si wadajir ah loo dhiso maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka koobadan 3 gobol oo kala ah: Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Maamulka la dhisayo ayaa la sheegay in magaciisu noqonayo: Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah in beelaha ku nool gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay si siman u wadaagaan kheyraadka gobolladaas.

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in beelaha ku nool Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Gedo ay si siman wax u wadaagaan, iyadoo dowladdu ku dedaaleyso iney kulmaan Maamulka KMG ah ee JUBA iyo Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maamullada maanta lagu heshiisiiyey iney hal maamul dhistaan ayaa horay u kala hogaaminayey Madoobe Nuunow Maxamed oo hogaaminayey maamulka 6-da gobol iyo Maxamed Xaaji Cabdinuur oo hogaaminayey maamulka 3-da gobol.

Wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey oo munaasaabadda heshiiska ka hadlay ayaa sheegay in tilaabo laga qaadi doono qaf kasta oo ka hor yimaadda heshiiska labada dhinac.

Heshiiska waxaa koxda lixda gobolka u saxiixay C/fataax Geeseey oo wasiir ka ahaa maamulkaas, halka kooxda 3-da gobol uu saxiixay hogaamiyahooda Maxamed Xaaji C/nuur, iyadoo dowladda Soomaaliya uu u saxiixay Raysul wasaare ku xgeenka ahna wasiirka arrimaha diinta Ridwaan Xirsi.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245