Maamulada Puntland iyo Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Sanaag * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamulada Puntland iyo Somaliland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Sanaag

Badhan – Mareeg.com: Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameynayaan maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa ka jira gobolka Sool, kadib markii dhawaan uu halkaas booqday madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Siilaanyo, aysan soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu doonayo inuu isna halkaas gaaro.

Labada maamul ee Puntland iyo Somaliland oo muran dhanka dhulka ahi uu ka dhexeeyo, ayaa ciidamo ku daad gureynaya gobolka, kaddib booqashadii Madaxweynaha Somaliland ee degmada Laas-qoray.

Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Sanaag naga soo gaaray waxay sheegayaan in boqollaal ciidamada Somaliland ka tirsan oo wata gaadiidka dagaalku ay soo gaareen tuulada Carmaale oo qiyaastii 75km u jira magaalada Badhan.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland ee gobolka Sanaag Gaashaanle sare Cabdulaahi Cumar Canshuur oo la hadlay warbaahinta gudaha, wuxuu xaqiijiyey joogitaanka ciidanka Soomaaliland ee Carmaale.

Wuxuu sheegay in ciidankaas ay yihiin kuwa doonaya in ay rabshado iyo colaad ka dhex abuuraan beelaha degan gobolka Sanaag, Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay joogaan meelo ka mid ah xuduudaha rasmiga ah.

Gaashaanle Canshuur ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiiin in ay difaacdaan dhulkooda, wuxuu xaqiijiyey in qaar ka mid ah ciidankoodu ay ku dhow yihiin deegaanka Carmaale, in kastoo uusan si rasmi ah u sheegin meesha ay fadhiyaan.

“Waa ka warhaynaa ciidamada Somaliland ee jooga tuulada Carmaale…aad buu dadku u kacsan yahay anaguna diyaar baan u nahay inaan iska difaacno haddii ay dhankeena usoo dhaqaaqaan…” taliyaha qaybta 9aad ee Daraawiishta Puntland ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay isagoo degmada Badhan ku sugan.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdiweli Indha-guran oo xalay la hadlay VOA, wuxuu sheegay in Somaliland ay ciidan ku daabulayso gobolka Sanaag taasoo sida uu yiri abuurayso collaad iyo dagaal dhaca, dadka gobolka Sanaag ayaa kacsan waxayna saamayn ku yeelatay xiisada jirta, sida aan wararka ku hayno.

16-kii bishan March ayey ahayd markii booqasho aan horay loo shaacin ay degmada Laasqoray kusoo gaareen wafdi uu horkacayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), booqashadaas oo muran badan dhalisay.

Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Gaas ayaa booqasho ku maraya qaar ka mid ah deegaanada Puntland, waxaana maamulka Somaliland oo ka shaki qaba inuu tago Laas-qoray bilaabeen iney ciidamo geeyaan meelo ka mid ah gobolka Sanaag.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More