Maamulada Hiiraan iyo Sh.Dhexe oo isku racay habka loo soo xulayo Xildhibaanada
Kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa looga hadlayay maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh.Dhexe.
Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Odayaasha labada Gobol qaarkood ayaa isku raacay sida la sheegayo in Xubnaha Baarlamaanka ee matalaya Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe lagu soo xulo Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Baarlamaanka Cusub ee Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa lagu balansanaa in lagu soo xulo Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar.
Odayaal iyo waxgarad ka soo Gobolka Hiiraan ayaa durbaba ka soo horjeestay Xildhibaanadaasi lagu soo xulo Magaalada Muqdisho.
Waxaa ku tilmaameen arintaasi mid sharci darro ah.
Shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh.Dhexe ayaa weli waxuu ka socdaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.
Comments are closed.