Mareeg.com: Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa maamul cusub u magacowday degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa waxaa gudoomiyaha degmada Mahadaay loogu magacaabay Axmed Xuseen Afrax.
Dikreeto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in maamulkaan cusub ee Mahadaay uu yahay mid KMG ah, islamarkaana shaqeyn doono muddo 6 bilood ah.
Mas’uuliyiinta loo magacaabay maamulka degmada Mahadaay ayaa kala ah:
1. Axmed Xuseen Afrax Guddoomiye Degmada Mahadaay
2. Cabdulle Xuseen Maxamuud Gud.K/X.Siyaasadda iyo Amniga Degmada
3.Maxamuud Bashiir Qaasim Gud. K/X. Maamulka iyo Maaliyadda Degmada
4. Saalax Fuliil Maxamuud Gud. K/X. Arrimaha Bulshada Degmada
5. Ciiley Warsame Faarax Gud. K/X. Arrimaha Federaalka iyo Dib uheshiisiinta
6. Cali Cabdi Aadan Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Mahadaay
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku saxiixnaa waregatada lagu magacaabay maamulka Degmada Mahadaay.
Mareeg Media