Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba “Dhageyso” * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Maamul cusub oo loo magacaabay degmada Buur-hakaba “Dhageyso”

 Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Koofur Galbeed Soomaliya C/raxamaan ibraahim Adan ayaa maamul cusub oo shaqeyn doona muddo Lix bilood ah u magacaabay degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaasi oo saxaafadda u aqriyay wareegtadi lagu magacaabay maamulka degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in gudoomiyaha degmada Buur-hakaba uu u  magacaabay Maxamed Cabdi Maxamed oo loo yaqaano “Maxamed Nuur”  gudoomiye ku xigeena uu u magacaabay Axmed Maxamed Cali, xoghayaha amniga waxaa loo magacaabay Cismaan Xaaji Mursal, halka xoghayaha maaliyadda loo magacaabay Cabdi Xuseen Maxamed oo loo yaqaano “Cabdi Gaas”.

 

Sidoo kale xoghayaha arrimaha bulshada waxaa loo magacaabay  Abuukar Sheekh Yaroow “Ukur”, xoghayaha dowladda hoose waxaa loo magacaabay Calu Nuur “Cali Xaaji”, iyadoo wasiirku faray xubnaha maamulkaasi cusub ee loo magacaabay degmada Buur-hakaba ineey waajibkooda u gutaan si hufan oo ay ku jirto waddaniyad iyo xilkasnimo

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.