Mareeg.com: Munaasabadda xuska maalinta shaqaalaha adduunka oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda shaqaalada iyo arrimaha bulshada ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho.
1-da May oo ah maalinta shaqaalaha adduunka ayaa sanad kasta laga xusaa caalamka oo dhan, waxaana dalkeena lagu qabtaa munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintaasi.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Cismaan Libaax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
Cismaan Libaax wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa ku dhawaaqay in maalinta berito ah ay shaqaaluhu fasax yihiin oo ay ka nasandoonaan shaqada, munaasabadda 1-da May awgeed.
Wuxuu tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan duruufo adag isagoo ku ammaanay kaalinta wanaagsan oo ay ka qaataan horumarka dalka, wuxuuna xusay in shaqaale badan ay ku nafwaayeen iyagoo shaqadooda gudanaya.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabada munaasab ballaaran oo lagu xusayo maalinta shaqaalaha adduunka oo ku asteysan 1-ada May, taasoo ay ka qeybgeli doonaan madaxda ugu sarreeysa dalka.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.