Ma laga yaabaa in Wadamada Imaaraadka iy Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ma laga yaabaa in Wadamada Imaaraadka iy Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

Saameynta Soomaaliya  Khilaafka  u dhaxeeya qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka Gaar ahaan Wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Xaaladda Siyaasada Soomaaliya ee Xilgaan, waxaana Moodaa In Khilaafkaas marba marka ka dambeysa uu sii Xoogeysanayo.

 Khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Qadar sow lagama yaabo in   Labadaan wadan ay ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda aniga waxaan ka mid ahaa dadka aan aamisaneyn Dagaal uu dhexmaro Labadaas Dal hase yeeshee Dhawaan ayaan Xaqiiqsadey  in ay dhici karto  Labadaas Wadan ay ku Dagaalami karaan Soomaaliya

Dhawaan ayaa Safaarada Qadar ku leedahay Soomaaliya Gaar ahaan Agagaarka Km4 ayey Difaaceedii soo Fogeysey ilaa ay u soo dhawaatey Isbitaalka Deva, waxaana markiiba ka qayliyey ardey Jaamacadaha halkaas ku yaal iyadoo Safaarada ku andacootey in Difaacaan uu yahay mid ay ku Xaqiijineyso Amaankeeda.

Dad badan ayaa  wax caadi ah u qaatey Difaacaas  hase yeeshee si aan wax badan uga ogaano  waxa keeney Xiligaan la dheereeyo Difaaca Safaarada,Sida darteed  Qof Deris la ah  Safaaradaoo aan wax ka weydiiyey Difaaca la soo fogeeyey ayaa yiri“ Safaarada ka Qadar  ka cabsanmeyso Soomaali Weerar kaga yimaada waxaa cabsida ugu weyn ee Xiligaan heysata Safaarada  ay tahay in Weerar uu kaga yimaado Dhinaca Dowlada Imaaraadka Carabta” Hase yeeshee Qorshaha Safaarada Qadar ee Sii xirada Wadada waxaa diidey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Dhawaan la furi doono Wadada Cabdi Qaasim ee ka tagta Km 4.

Tan iyo Markii ay dhacdey Dowladii Kacaanka Soomaaliya Faragelinteeda waxay soo martey Heerar kala duwan , Mar waxaa Fagelin ku hayey Talyaaniga , mar Itoobiya iyo erteriya, mar Dowlada Kenya , Mar Masar , marna Liibiya , Marna Mareykan, waxay Hadba meel soo Tu’ato Faragelintaas maanta waxay mareysa wadamada Imaaraadka iyo Qadar marka ha Fogeysan  in Dagaal ku dhexmaro Gudaha Dalka Wadamadaas marka ilaahayow  Amuuraha Sahal

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!