
Caasimadda Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka bilowday Loolan iyo Olole wada socda oo loogu jiro Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug.
Tartanka waxa uu u dhexeeyaa degmooyinka Galhareeri iyo Ceeldheer oo ay kala degan yihiin laba kamid ah Beelaha Galmudug, waxana midkasta uu doonayaa in uu helo kursiga Gudoomiyaha.
Xasan Sheekh Maxamud iyo Xasan Cali Kheyre oo ka soo jeeda dhinacyada Kursigaan isku haya ayaa Ololaha waxaa la sheegayaa inay qeyb ka yihiin,isla markaana ay dhaqaalo ku bixinayaan.
Dhankale deegaanada Xeraale iyo Huurshe ayaa ku dagaalami doona Kursiga Kuxigeenka 1aad, iyagoo taageero ka kala helaya Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo dhinaca Huurshe ah iyo Xasan Cali Kheyre oo la safan dhanka Xeraale.