Liiska Rasmiga Ah Ee Musharraxiinta U Tartamaya Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Puntland Oo La Shaaciyey

Read Time:1 Minute, 3 Second

Garowe, Mareeg.com: Guddiga doorashada ee Puntland ayaa shaaciyey magacyada murashaxiinta ka qayb gelaya doorashada madaxweynaha iyo iu xigeenkiisa, iyadoo shalay oo isniin ah la diiwaan geliyey musharraxiinta buuxiyey shuruudahah.

Guddoomiyha guddiga doorashada Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad ayaa warbaahinta u aqriyey magacyada usoo baxay tartanaka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Magacyada guddiga ku dhawaaqay ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa kala ah:
1- Cali Xaaji Warsame
2- Cabdiweli maxamed Cali Gaas
3- Cali Cabdulqaadir Yusuf
4- Cabdiweli Maxamuud Gurey
5- Shire Xaaji Faarax
6- Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7- Cabdullaahi Siciid Samanter
8- Maxamed Cabdinuur Xirsi
9- Cabdidaahir Maxamed Yusuf Yeey
10- Cali Cabdi Awaare
11- Cadbiraxmaan Maxamed Faroole

Liiska kuxigeenada u sharaxan ayaa kala ah:
1- Gen.Cabdisamad Cali Shire
2- Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade
3- Cabdullaahi Daahir Maxamuud (Afqirac)
4- Axmed Cilmi Cismaan (Karaash)
5- Maxamuud Caydiid Dirir
6- Daahir Khaliif Maxamuud
7- Cabdirisaaq Maxamed Cumar Godane
8- Maxamed Xirsi Ducaale
9- Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar
11- Xuseen Xaaji Xasan

Maanta oo talaadada ayaa Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorasho u qoondeeyeen in ay Musharixiintu ku soo jeediyaan khudbadaha ay ku sharaxayan waxa ayqabanayaan haddii la doorto.

8-da bishan oo ah berri oo arbaco ah ayaa sidoo kale loo qoondeeyey in baarlamanka maamulka Puntland doorto madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.