Liiska Golaha Wakiilada Puntland Oo Lagu Dhawaaqay (Aqriso Magacayada)

Read Time:2 Minute, 44 Second

Garowe, Mareeg.com: Guddiga Diiwaangelinta Golaha Wakiilada iyo Xalinta Khilaadfaadka Puntland ayaa xalay fiidkii shaaciyey magacyada xubnaha Golaha cusub ee Wakiilada Puntland, kuwaasoo kaa kooban 66 xildhibaan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga ayaa lagu sheegay kadib markii Gudigu arkay qoraalka beeluhu ku soo xuleen xildhibaanada iyo kala saarid dacwadaha, hubinayna qoraalka asalka ah ee ay soo saxiixeen isimada iyo cuqaashu ugu danbantiina dhegaystay taladii Isimada & beelaha Puntland .

Gudiga ansixinta & khilaafaadku wuxuu soo ansixiyey liiskii Golaha Wakiilada cusub ee Puntland ayaa lagu yiri nuqulka rasmiga ah ee ka soo baxay Gudiga.

Golahaan cusub ayaa la sugayaa iney kualnkooda ugu horeeya yeeshaan berry oo ku beegan 1-da Jnaayo 2014, iyagoo sidoo kalana dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

XILDHIBAANNADA GOBOLLADA BARI, KARKAAR IYO GAARDUFU
1- Siciid Maxamed Salaad
2- Eng. Jaamac Faarax Aadan
3- Maxamed Axmed Ibraahim
4- Maxamed Cismaan Xasan
5- Ayaanle Yuusuf Ismaaciil
6- C/casiis Siciid Maxamed (Gacamey)
7- Yuusuf Maxamed Axmed (Gaacshe)
8- C/risaaq Siciid Aadan
9- Maxamed Maxamuud Ismaaciil
10- C/xamiid Sheekh C/salaam Ciise
11- Maxamed Nuur Siciid
12- Ayaanle Gallan Guuleed
13- Siciid Cali Maxamed
14- Mustafe Bile Maxamuud
15- Salaad Xareed Cali
16- C/qaadir C/salaam Sh. Maxamuud
17- Siciid Shire Maxamed (Gaar-Cad)
18- C/raxmaan Siciid Faarax
19- Siciid Maxamed Cismaan
20- Xasan Xaaji Siciid Maxamuud
21- C/risaaq Muuse Maxamed

XILDHIBAANNADA GOBOLKA NUGAAL:
1- C/salaam Xuseen Bootaan
2- Liibaan C/laahi Aw-cabdi
3- Siciid Cabti Samatar
4- Maxamuud Faarax Warsame
5- C/daahir Siciid Ciise
6- Maxamed Faarax Nuux
7- Burhaan Aadam Aw-cabdi
8- C/kariim Xuseen Guure
9- Siciid Xuseen Nuur

XILDHIBAANNADA GOBOLLADA SANAAG IYO HAYLAAN:
1- Cismaan Dalmar Yuusuf.
2- Cabdixamiid Maxamed Axmed
3- Axmed Cali Xaashi.
4- Maxamed Cali Guuleed.
5- Abshir Siciid Saalax.
6- Cabdiraxmaan Cali Jibriil.
7- Siciid Xasan Shire.
8- Siciid Daahir Qodax.
9- Cumar Maxamed Irbad.
10- Ismaaciil Cabdi Abtiile.
11- Cabdi Siciid Kafad.

XILDHIBAANNADA GOBOLLADA SOOL IYO CAYN:
1- Saleeban Maxamed Cilmi.
2- Cabdul Cabdi Faarax.
3- Faarax Caydiid Casoowe.
4- Cabdirisaaq Jaamac Cabdibile.
5- Saadiq Abshir Garaad Maxamed.
6- Cali Jaamac Faarax.
7- Kayse Cawil Cali Boowe.
8- Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil.
9- Xariir Gaas Guutaale.
10- Maxamed Cabdilaahi Cilmi.
11- Xuseen Yaasiin X.Diiriye.
12- Axmed Maxamed Jibriil.
13- Faarax Sulub Jaamac.
14- Cali Axmed Cismaan.
15- Cumar X.Cabdi Ibraahim

XILHIBAANNADA GOBOLKA MUDUG:
1- Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle.
2- Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
3- Raxmo Cabdixabiib Jaamac
4- Cabdiqaadir Faarax Bootaan.
5- Cabdixakiin Macalin Daahir.
6- Axmed Jaamac Cabdulle.
7- Nuuradiin Cabdirashiid Cali.
8- Xasan Xaange Maxamed Faarax.
9- Cali Jaamac Xasan.
10- Maxamed Cabdi Warsame.

Liiska xubnaha golaha wakiilada cusub ee Puntland waxaa saxiixay xubnaha guddiga ansixinta xildhibaanada iyo xallinta khilaafaadka ee kala ah:

1: Eng.Yuusuf Abshir Cadami, Gudoomiye
2: Cismaan Guureeya Kaarshe, Xubin
3: Egn.Maxamuud Axmed Xasan, Xubin
4: Maxamed Cabdilaahi Faarax (Cillal), Xubin.
5: Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye, Xubin.
6: Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas), Xubin.
7: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade), Xubin
8: Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Xoghayn.

Liiskaan waxaa ka muuqa magaca 1 qof oo dumar ah, iyadoo taasi keeni doonto dood ay keenaan haweenka Puntland oo todobaadyadii ugu dambeeyey dalbanayey in tiro wax ku ool ah laga siiyo Golaha wakiilada iyo wasiirada soo socda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %