Tripoli, Mareeg.com: Dalka Liibiya waxaa weli ka taagan dhibaatada maleeshiyaadkii dagaalka ku riday hogaamiyihii dalkaas Col. Mucamar Alqadaafi, kuwaasoo diidan iney hubka dhigaan kana baxaan magaalooyinka waaweyn.
Dagaal xoog leh ayaa saaska ka dhacay caasimadda Liibiya ee Tripoli kadib markii ay halkaas ku dagaallameen maleeshiyaad horay ula wada dagaallamay hogaamiyihii la dilay ee Col. Qadaafi, kaasoo lagu dilay kacdoon Liibiya ka bilowday sandkii 2011.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii kooxda la magacbaxday Guutada Misraata oo qeyb ka degan magaalada caasimadda ah ee Tripoli ay maalnitii Jimcaha dileen ilaa 43 qof, islmarkaana dhaawaceen 460 kale, kuwaasoo dhigayey debadbax ka dhan ah joogitaanka maleeshiyaadkaas ee gudaha caasimadda, sida uu sheegay Telefeshinka rasmiga ah ee dowladda Liibiya.
Maleeshiyo ka carooday dadka ay laayeen Guutada Misraata ayaa dagaal la galay guutadaas, waxaana maleeshiyo kale kazoo duuleen dhanka magaalada Misraata si ay u garab siiyaan saaxibadooda ku sugan Tripoli ee weerarka lagu hayey.
Maleeshiyada kazoo gurmatay magaalada Misraata ayaa xoog looga horjoogsaday iney galaan magaalada caasimadda ah ee Tripoli, waxaana dhacay dagaal xoog leh oo oo ugu yaraan hal qof ku dhintay 10 kalana ku dhaawacmeen.
Wararka laga helayo caasimadda Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaya in gurmadkii u socday Guutada Misraata ee ku sugan Tripoli laga horjoogsaday iney gaaraan saaxibadooda oo kacdoon ka dhan ah uu ka jiro magaalada.
Guutada Misraata ayaa la sheegay iney ka mid tahay kooxaha ugu awoodda badan dalka Liibiya, waxeyna diideen iney hubka ku wareejiyaan dowladda iyagoo sabab ka dhiagy ineysan ku qanacsaneyn sida maamulku ku socdo.
Wasiirka cadaaladda Liibiya Salaax Almirqani ayaa ayaa sheegay in la xisaabin doono kuwii jimcaha laayey dadkii sida nabadda ah u debad baxayey oo diidanaa iney maleeshiyaadka fowdada wada sii joogaan caasimadda.
R/wasaaraha Liibiya Cali Ziedan oo bishii hore naftiisa xoog dabley hubeysan ku afduubten balse la sii daayey ayaa ayaa dalbaday in dhamaan hubka aysan laheyn milateriga iyo booliska laga saaro magaalooyinka waaweyne ee caasimaddu ka mid tahay.
Liibiya ayaa muuqata mid ku socota wadadii Soomaaliya 20-kii sano lasoo dhaafay ku jirtay, iyadoo Soomaaliya kala mid ah in dadkii hubka u qaaday iney ridaan Col. Qadaafi ay u kala baxeen beelo hubeysan iyo hogaamiye kooxeedyo heysta maleeshiyaad u daacad ah.
Dowladda Liibiya ayaa ah dowlad tabar yar oo aan awood u laheyn iney kala ceyriso maleeshiyaadka qaska ka wada dalkaas eek u shaafeertamaya hubkii ay gacanta ku dhigeen wixii ka dambeeyey sanadkii 2011.
Dhimaatooyinkan hadda ka socda dalka Liibiya ayaa lagu sheegay kuwii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca tan iyo markii uu sanadkii 2011 bilowday kacdoonkii dagaalka isu badelay ee lagu riday hogaamiyihii waqtiga dheer dalkaas ka talinayey ee Col. Mucamar Alqadaafi.
Mareeg.com