Derna: Dalka Liibiya oo ku hardamayaan kooxo Islaamiyiin iyo Cilmaaniyiin ah ayaa waxaa ka bilowday arrin aan horay loogu aqoonin oo ah in dadka madaxa laga jaro.
Seddax dhallinyaro ah oo u ololeeynayay siyaasadda ayaa laga helay bariga dalka Liibya iyagoo madaxad laga gooyay.
Dhalinyaradan ayaa baraha bulshada ku faafiyay warar ku saabsan nolosha meelaa uu kajiro xukunka islaamiyiinta, waxa la afduubtay horraantii bishan.
Dhowr urur oo islaamiyiin ah ayaa ku hardamaya maamulka magaaladaasi, mid ka mid ah ayaana dhowaan shaaciyay in ay xulafo la yihiin Khilaafada Islaamka.
Libya Waxay ahayd dal aan xasilooneyn tan iyo markii meesha laga saaray Mucaamir Al-qadafi sanadkii 2011-kii, waxaana ku hardamaya maleeshiyo beeleedyo, mintidiin iyo kooxo siyaasadeed oo isku haysta awoodda dalkaasi.
Markii uu dhammaaday kacdoonkii ka dhanka ahaa Qadafi, dagaalyahano badan oo Libyan ah ayaa aaday dalka Suuriya si ay uga barbardagaallamaan muucaradka ka soo horjeeda maamulka madaxwaynaha Suuriya Bashar al-Assad.
In badan oo ka mid ah dagaalyahanadaasi ayaa la aaminsan yahay inay dib ugu soo noqdeen Liibya, ayna xarun ka dhigteen bariga dalkaasi.
Seddaxda dhallinyarada ah oo u dhaqdhaqaaqaya arrimaha Bulshada ayaa lagu kala magacaabay Siraj Ghatish, Mohamed Battu iyo Mohamed al-Mesmari.
Qof kale oo u dhaqdhaqaaqa dadka magaaladaasi oo sababo amni aawgeed diiday in lamagacaabo ayaa sheegay in dadka halkaasi ku nool ay diideen in Khilaafada Islaamka ay halkaasi gaarto, sidaas darteedna aysan isasoo bandhigi karin.
Dowladda Liibya ayaan tani iyo 2012-kii maamulin magaalada Derna ee qoorgoynaani ka dhacday.
Bishii hore sawiro la baahiyay ayaa muujinayay in dhammaan goobaha dad weynaha ee magaaladaasi loo bedelay maxkamado ay Islaamiyiinta leeyihiin iyo xarumaha ciidammadooda.
Bishii August ee sanadkan waxaa internetka la geliyay koox aan la aqoon oo garoon kubadda cagta lagu ciyaaro ku dhex tooganaya nin.
Dowladda Liibiya ee la doortayna ma maamusho seddaxda magaalo ee dalkaasi ugu waaweyn, taas oo ay sabab u tahay qalalaasaha siyaasadeed ka taagan halkaasi.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.