Khalaafada Liibiya oo dishay 30 Itoobiyan Kiristan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Khalaafada Liibiya oo dishay 30 Itoobiyan Kiristan ah

Mareeg.com: Khalaafada Islaamiga ah qeybteeda dalka Liibiya ayaa toogtay ilaa 30 Itoobiyaan Kiristaan ah, sida lagu muujiyey sawirro iyo Video ay iyagu soo saareen.K

Wargeyska Daily Mail ee kasoo baxay dalka UK ayaa daabacay sawirrada, wuxuuna sidoo kale baahiyey muuqaalka muujinaya ISIS Libiya oo tooganeysa dadkaas Itoobiyaanka ah.

Dadka Itoobiyaanka ah waxaa qaarkood lagu dilay mindiyo oo waa la gowracay, halka kuwa kalana rasaas lagu dilay.

Muuqaalka ISIS Libiya soo saartay ayaa lagu duubay meel badda xeebteeda ah, wuxuuna muuqaalku aad ugu ekaa mid ay kooxdaasi soo saartay 2 bilood ka hor, xilligaasoo ay dileen 21 Masaari Kiristaan ah oo ka xoogsan jiray dalka Libiya.

Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya oo lagu magacaabo Ridwaan Xasan ayaa sheegay ineysan xaqiijin jarin in dadka ISIS ku leysay Libiya ay yihiin Itoobiyaan iyo inkale.

Dowladda Itoobiya ayaa si kastaba ha ahaatee cambaareysay xasuuqa dadkaas loo geystay inkastoo safaaradda dalkaas ku leeyahay Masar aysan weli xaqiijin dhalashada dadka la laayey.

 

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!