Libaax dad ku laayay Degmada Duuda ee Jabuuti

Read Time:47 Second

Degmada Duuda oo labaatan kilomitar u jirta caasimadda Jabuuti waxaa ka fakatay libaax dhedig ah ama gool taas oo dhaawacday saddex qof oo kamid ah dadka deegaanka.

Labo cisho ka hor ayay gooshan ka baxsatay goob lagu xannaaneeyo duur joogta oo ku taalla dalka Jabuuti.

Madaxa caafimaadka degmada Duuda ayaa ka dhawaajiyay in libaaxa uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Xildhibaan kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka uu weeraray Libaaxa ayna askarta dileen goosha.

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatada ay gaystaaan xayaawannada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha dalkaasi.

Saraakiisha duur joogta ayaa amar ku bixiyay in la dilo goosha.

Waxaana socda baaritannada ku aadan goosha sida ay ugu suuro gashay inay baxsato iyo waxyaabaha sababay dhibtaada intaasi le’eg ay gaarsiiso bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ma ahan markii ugu horreysay uu Libaax dhibaato u gaysto dad shacab ah dalka Jabuuti.

 

 

Xigasho:-BBC

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %