Libaax baxsaday oo labo qof ku dhaawacay Muqdisho lana wareegay guri * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Libaax baxsaday oo labo qof ku dhaawacay Muqdisho lana wareegay guri

Mareeg.com: Libaax ay qoys ku heysteen guri ku yaalla degmada Yaakhshiid oo baxsaday ayaa dhaawacay labo caruur ah, wuxuuna libaaxu la wareegay gurigii dadkaas ay deganaayeen.

Arrintaan ayaa dhacday xaafadda Juungal, agaraarka COCACOLA ee degmada Yaakhshiid, sida uu xaqiijiyey goobjooge halkaas ku sugan.

Libaaxa ayaa markii uu baxsaday dhaawacay gabar yar, taasoo uu madaxa ka dhaawacay, waxaana gabartaas loo qaaday Isbitaalka Madiina.

Mar kale oo dadku isku dayeen iney guriga alaab kala baxaan ayuu weerar kale ku qaaday dadkaas, wuxuuna dhaawacay wiil kale, kaasoo isna la dhigay Isbitaalka Shifo.

Libaaxa ayaa shalay galaa ilaa saak ku dhex meereysanaya guriga, waxaana dadka xaafadda soo wajahay cabsi.

Maamulka degmada Yaakhshiid ayaan weli ka hadlin libaaxaan weerarka ku qaaday dadka, islamarkaana la wareegay guriga ay deganaayeen dadka uu dhaawacay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!