Mareeg Media
Somalia

LAYAAB:-Xilka qaadista Donal Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya!

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay.

 

Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas oo ceeb iyo xadgudub ku ah dastuurka Mareykanka.

 

Waxaa ay sheegtay in Trump intii ay ahayd safiirka Mareykanka ee Ukraine uu ku aflagaadeeyay barta Twitterka, islamarkaana uu qoray “meelkasta oo ay tagto Marie Yovanovitch wey xumaataa sida Soomaaliya iyo Ukraine”, hadalkaas oo hadda qeyb ka ah dacwadda ka dhanka ah Trump.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!