Daawo Sawirada” Madaxweyne Gaas oo lagu soo wareejiyay Warshad Hubka iyo Gaadiidka dagaalka u sameysa Dowlada Itoobiya

Read Time:34 Second

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u joogaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia ayaa waxa uu kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaadhida dagaalka iyo kuwa raaxada ee dalka Ethiopia ee lagu magcaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland oo kamid ahaa waftigii Madaxweynaha.hubka_5

Madaxweynaha ayaa marii uu soo gaadhey warshadda waxaa kusoo dhoweeyey masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda gaashaan dhigga dalkaasi, waxaana uu kala hadlay Madaxweynuhu masuuliyiintaasi sidii Puntland ay uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.