
Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay magaalada Muqdisho ay kusoo wajahan yihiin wafdi Boqortooyada Sacuudiga ay soo dirtay Soomaaliya , wafdigan ayaana kulamo xasaasi ah la qaadan doona Madaxda dowlada Soomaaliya.
Wafdiga Sacuudiga ee kusoo wajahan magaalada Muqdisho waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Caadil Al-Juber, wafdigan ayaana kulamo xasaasi ah la qaadan doona Madaxda dowlada uu ugu horeeo Madaxweynaha Soomaaliya.
Sida aan Wararka ku heleyno Wafdigan Sacuudiga ka socda ayaa Soomaaliya kala hadli doona xiisada ka taagan Wadamada Khaliijka, waxaana la filayaa in Madaxda dowlada Soomaaliya ay ku cadaadiyaan in ay xariirka u jarto dowlada Qadar.
Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga ayaa safaro kusoo maray Wadamo badan oo Islaam ah, waxa uuna taageero u raadinaaya go’doominta ay Sacuudiga iyo xulufadiisa kusoo rogeen dowlada Qadar, waxa ayna Soomaaliya ka mid tahay meelaha ay Sacudiga taageerada ka raadinayaan.
Madaxda dowlada Soomaaliya ayaa xiligan waxaa heesata labo daran mid dooro, waxa ayna dowlada Soomaaliya wali ku jahwareersan tahay cida ay raaci laheed Xulufada Sacuudiga iyo Waliba dowlada la go’doomiyaya ee Qadar.
Dowlada Sacuudiga ayaa cadaadis xoogan ku saareysa dowlada Soomaaliya in mar kale cadeesato mowqifkeeda ayna meesha ka saarto dhax dhaxaadnimada, waxa ayna Sacuudiga Madaxda Soomaaliya hordhigayaan shuruudo badan iyo labo daran mid dooro.
Magaalada Muqdisho shalay waxaa soo gaaray Wasiiru dowlaha Arimaha dibada dowlada Qadar , waxa uuna Wasiirkan la lulmay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha uu kala hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen Qadar, dowlada ayaana wali wax war ah kasoo saarin kulankaasi dhacay.
Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah u cadeyn mowqifkeeda ku aadan cida ay la safaneyso Dowlada Qadar iyo Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraatka Hogaaminayaan, waxaana Madaxda dowlada ay arintan ka qaadeen Jahwareer iyaga oon ka maarmin taageerada ay labada dhinac ka helaan.