Madaxweyne Al-Bashiir oo la sheegay in uusan Imaaneyn Muqdisho iyo Sababta ka dambeysa oo la ogaaday
Warbaahinta dalka Sudan qaarkood ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dalka Sudan Mudane Cumar Xasan Al-Bashiir uu joojiyay socdaalkii uu ku imaan lahaa magaalada Mudisho si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacaya Muqdisho.
Sargaal katirsan Dowlada Sudan ayaa Warbaahinta u sheegay in Madaxweynaha uu joojiyay Safarkii Muqdisho, waxa uuna tilmaamay Sargaalkan in Madaxweynaha uu ka baqao in magaalaa Muqdisho lagu xiro loona gudbiyo Maxkamada ICC oo baadi goob ugu jirta.
Warbaahinta Sudan ayaa Warisay in Madaxweynaha wadatashiyo kadib in uu go’aansaday in uu ka baaqdo Shirka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho, waxaana Madaxweynaha uu ka baqayaa in Muqdisho lagu xiro maadaama Dowlada Soomaaliya aysan awoodin in ay amaankiisa ilaaliso .
Madaxweynaha Sudan ayaa xaalad adag la kulmay xili uu shir Madaxdeed uga qeyb galay dalka Koonfur Afrika, waxaana Maxkmada kutaala dalkaasi amartay in lasoo xiro laguna wareejiyo Maxkamada Dambiyada caalamiga ee ICC.
Dowlada Soomaaliya oo taageero badan ka hesha Beesha Caalamka ayaan awoodin in ay difacado Madaxweynaha Sudan hadii xaalad adag uu la kulmo, waxaana dowlada Soomaaliya taageerada ugu badan ka heshaa Dowladaha Reer Galbeedka oo taageersan in lasoo xiro Madaxwene Al Bashiir.
Comments are closed.