Xildhibaano Kuraastooda horey loo diiday oo la siiyay Kaarka Aqoonsiga iyo Shahaado! (Sawir iyo Cadeyn)

Read Time:1 Minute, 3 Second

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diwaan galinta Xildhibaanada labada Aqal ee lagu doortay xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana hada Kaarka Aqoonsiga rasmiga iyo Shahaahada la siiyay in ka badan 100- Xildhibaan.

 

Xildhibaanada Kaarka Aqoonsiga iyo Shahaadada lagu siiyay magaalada Muqdisho waxaa ku jira Xildhibaano qaabkii loo doortay horey shaki loo galiyay iyo sidoo kale kuwa ay Guddiga Doorashooyinka horey u shaaciyeen in aysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashadooda.

 

Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ay horey u diideen natiijada kasoo baxday Doorashaooda ka dhacday Jowhar waxaa kamid ahaa Wasiiru dowlaha Maaliyada C/hi Maxamed Nuur iyo Xildhibaan Maxamed Abukar Islow(ducaale), waxa ayna kasoo jeedaan labada Xildhibaan Beesha Abgaal gaar ahaan Obokar iyo Agoonyar.

 

 

 

Guddiga Doorashooyinka ayaa Qoraal ay soo saareen waxa ay ku diideen Natiijadii kasoo baxday Kuraasta labadan Xildhibaan ee la doortay, waxa ayna Guddiga cadeeyeen in mid kamid ah Kuraastan uu ahaa Qoondada Haweenka sidaa darteed aysan aqoonsaneyn doorashadaasi.

 

Hasa ahaatee Labadan Xildhibaan oo horey Guddiga Doorashooyinka u diideen Doorashadooda ayaa lasoo sheegayaa in arintooda si hoose loo xaliyay lana siiyay Kaarka Aqoonsiga iyo sidoo kale Shahaahada ay bixinayaan Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal.

 

Halkan ka Aqriso Warqadii ay Guddiga Doorashooyinka ku diideen labadan Kursi ee hada la aqoonsaday.

 

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %