Laqanyo: Buulobarde waxaa weli laga xaaqayaa miinooyin Alshabaab ku aaseen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laqanyo: Buulobarde waxaa weli laga xaaqayaa miinooyin Alshabaab ku aaseen

Buulo-barde – Mareeg.com: Degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan oo labo maalmood ka hor ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kala wareegeen Alshabaab ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal, iyadoo Alshabaab soo weerareen.

Al-shabaab ayaa weeraray degmada Buulo-barde, iyagoo beegsaday saldhigga degmada iyo xarumta maamulka oo labaduba ay ku sugnaayeen ciidamada huwanta ah ee kala wareeegay degmadaas.

Dagaalka ayaa socday muddo, waxaana markii dambe Al-shabaab laga saaray degmada, waxaana lasoo sheegayaa inay haatan ka barakacayaan Buulo-barde dadkii yaraa ee horay ugu sugnaa, kuwaasoo baqdin ka qab dagaallo kale oo dhaca.

Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil oo ka mid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa  xaqiijiyay in dagaalka uu ku dhintay askari Jabuutiyaan ahaa oo qeyb ka ahaa howlgalka nabad-ilaalinta AMISOM, waxaana ku dhaawacantay labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa warbaahinta  u sheegay in sidoo kale dagaalkii xalay ay ku dhinteen ilaa 3 ka tirsan  Al-Shabaab, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo ku sugan degmada Buulo-barde ayaa sheegay in magaaladu tahay meel ay ka buuxaan miinooyin iyo walxaha qarxa, kuwaasoo Alshabaab uga tageen degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Buula-burte ciidamada bilaabeen howlgal ay ku xaqiijinayaan nabad-galyada, dhinaca kalana lagu baarayo sida uu hadalka u dhigay walxaha qaraxa oo ay magaalada uga tageen Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay qarxiyeen tiro miinada meelaha fog fog laga hago ah oo ku aasnaa qeybo kala duwan oo degmada ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay la wareegeen xarumo ay u adeegsan jireen Al-shabaab diyaarinta walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ismiidaaminta ah oo ay ka soo qabteen agab kala duwan oo ah kuwa laga sameeyo qarxyada.

Gudoomiye Laqanyo ayaa xusay in degmadu u egtahay saldhig milateri, wuxuuna yiri ”Waa magaalo runtii marka aad eegto u eg goob militari oo aan wax shacab ah ku nooleyn, meel kasta waxaad ku arkeysaa miino ku aasay iyo walxaha qaraxyada laga farsameeyo, waa arrin qatar ku ah ammiga dadka shacabka ah, ciidamada wali waxaa ay ku howlan yihiin siddii uga hortagi lahaayeen dhibaatada arrintan ka dhalan-karta”.

Bulshada Buulo-barde ayuu ku sheegay mid aad loo dhibaateeyey oo cabsi weyn ka muuqato, wuxuuna ugu baaqay iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Wuxuu gudoomiye Laqanyo tilmaamay iney qorsheynayaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa bulshada degmada Buulo-barde, mar haddii halkaas laga saaray Alshabaab, isagoo dhanka kale xusay in degmada ka liidato heerkii ay mareysay sanadkii 1991-kii.

Khasmiistii, 13-kii bishaan Maarso 2014 ayaa ciidmada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya waxey Alshabaab ka saareen degmada Buulo-barde, waxeyna halkaas qabsadeen iyadoo uusan ka dhcin dagaal xoog leh.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!