
Dowladda wadanka ka talisa ee ay hogaamiyaan Madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa ay ku soo gashay garoonka qaab ka duwan qaababkii ay ku shaqayn jireen dowladihii ka horeeyay kaasi oo ah in ay dib u milicsaden Kali talis nimo iyo anigaa iri, waxaana fasir wanaagsan u ah Wasiiradii shaqada shaqada laga eryey iyadoon wax cudur daar ah loo yeelin, Wasiir inta yaabtay iska tagtay, Siyaasiyiin mucaarad ah oo la weeraray oo dhimasho iyo dhaawac yimid kasokow xarig loo gaystay, duqii Muqdisho oo aan ognahay halkii xaalkiisa lagu dhameeyay, taliyihii sirdoonka qaranka oo isna aan la ogaynba sababta loo eryay, dhiibistii C/kariin Qalbi dhagax IWM.
Tiiyoo ay jirto ayaa waxaan wada ognahay in Gudoomiyihii Golaha Shacabka lagu xijiyay kadib markii uu isna ka hor yihid Amarka Ra’iisul Wasaaraha oo ah in loo fuliyo oo ay wax u dhacaan sida uu rabo, waxaase amakaag noqotay oo halkii laga sugayay roob ay ceeryaamo ka timid Madaxwaynaha oo xoogaa boor isku qaris ku jiray laakiin dhinaca Ra’iisulwasaarihiisa u batay taasoo loo fasiran karo “dhamaan waa howl aan anigu qabtay” micnaha daaha gadaashiisa.
Hadaba maanta waxaa lagu guulaystay in Gudoomiyihii Baarlamaankana meesha laga saaro waxaase la iswaydiinayaa maxaa xiga, horay baa loo yiri falaartii cirka loo ganay cid kastooy filo
Sida Madaxda dalku rabto.
- Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub waxay doonayaan nin warkooda maqla oo iyaga u daacad ah, sida Duqa Muqdisho
- Gudoonka Gudiyada Joogtada ah waa halkii laga ridi waayay Mr Jawaari waxay doonyaan Gudoon Baarlamaan oo jilicsan oo u dhega nugul
- Kadib waxaa xiga in Xildhibaanada ka fikirka duwan labada Masuul laga qaado xasaanadda lagana samaysto wixii larabo.
Ogow hore ayaa la’ isug dayay waana halka lagu qoonsaday Mr Jawaari iyo gudiyadiisa. Joogtada ah, Intaa kadib sdia ay la tahay Xukuumadda iyo Madaxtooyada waxaa gacanta ugu jira doona inta badan Dowlednimada Soomaaliya sida Golaha Fulinta, Baarlamaanka iyo Cadaaladda. Kuwaas oo dhamaantood u hogaansanaaan doona.
Dhanka Baarlamaanka
Dadka ku jirta Baarlamaanka iyo Madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaad moodaa marka si loo eego in aanay is garanayn oo waxaad moodaa in Mudane Farmaajo iyo Khayre aysan si fiican u darsin, waxaa la yiri Barasho u yeelo Geedka aad Cuskan doonto, badankood waa xubno ku nool Mooshin sidoo kale ma wada noqon karaan Wasiiro, oo hadda dhowr iyo Afatanka Wasiir boosaska ay ku fadhiyaan qaarkood waxaa lagu galay loolankii Mooshinkii Jawaari oo waxaa laga yaabaa in qaarkood ay ka wareegaan booska oo kuwo kale la keeno waase jug jug meeshaada joog.
Hadaba markii aan la’ is aqoon micneheedu waa la isku maqan yahay oo hadii lagu guulaystay Mooshinkii lama sii wadi Karin qarashkii waliba si joogto ah iyaguna (waa Baarlamaankee) way soo jeesan doonaan ileyn Baddu waa isku Dhadhan golahan badankiis waa mooshin ujoog mana karto ceeb, marka ay sidaa tahay waxaa laga filina karaan iyagana
- In ay doortaan Gudoomiya aan noqon kii ay rabeen Xukuumadda iyo Madaxtooyada
- Hadii taasu hirgashana Waxaa xiga waa Mooshinka Ra’isul Wasaaraha
Maxaa kala qabsan kara ?
Sida qof waliba u muuqatay waxaa jiray xubno aad uga dhex muuqday olalihii Mooshinka ee lagu riday Gudoomiye Jawaari, xubanahaas waxay isugu jireen wasiirro xajisanayey booskooda iyo Xildhibaanno U hanqal taagaya iney ka mid noqdaan Gudiyada Baarlamanka, Iyadoon meeel dheer la aadin Xildhibaanadaas ayaa isbedello laga filan karaa waana wax hore looga bartay.
Sababtoo ah waa Xildhibaanno xildoon ah. waxaa ugu caansan Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Wasiir Khadiija Diiriye oo afka labadii yeeray, bal ila dhowra waxa berry ka soo yeera markey ku hungoobaan dmacoodda.
Xubnahaas Qaaliga ah ee soo halgamey waxaa ka mid ah Aqoonyahan Dr Cabdiraxmaan Bayle Wasiirka Maaliyadda oo dad badani rumeysan yihiin iney sanadkan Aqoontiisii bad ku dhacday kadib markii uu ka soo muuqday safkii hore ee Mooshinkii Macmalka ahaa.. Waxaa isna ka mid ahaa Xubanahii ololaha wadey Mudane Ducaale Islow Wasiirka Amniga oo lagu sheego inuu yahay Wiilka ugu dhegaha fudud madaxiisa. Waxaa intaa wehliyey dhowr iyo Afartan Xildhibaan iyo Wasiiro isku ah oo aad uga hadlay Warbaahinta. Waxay illoobeen dhaartii ay mareen kuna bedeleen in ay been ku doodaan.
Ugu Dambayn.
Waxaa isku qoofalan dhinacyo is ogal maanta (danta gaarka) oo hadana is diidi doono Birri (danta gaarka ah), waxaa is waydaarsan danaha maanta isu keenay iyo kuwa berri la’isku qaban doono, Xildhibaanno ayaa maanta loo adeegsaday Gudoomiyahoodii lagana yaabaa in berri in loo adeegsado asaagood in ay Xasaanadda ka qaadaan halka Xukuumadda iyo Madaxtooyadu ay isku dayayaan in ay maanta adeegsadaan xildhibaanno iyaga oo aan ka fekerin berri waxa laga ayaabo in ay uga yimaadaan isla xildhibaanadii ay shalay adeegsadeen si kastaba waa firiin wada taaban doonta Xildhibaanka maanta wax ridaya, Wasiirka maanta xilka haya ahna Xildhibaanka iyo Madaxda wax diraysa maanta in ay aad uga fiirsadaan falalkooda maadaama la yiri Siyaasadu saaxiib joogto ah ma lahan, laakiin dan joogto ah ayay leedahay dhinaca kale aan ku soo gabogabeeyo war hooy Lama tuuro Falaar Kugu Soo Noqon Doonta.
Maxamed Nuur Cali
mncali@hotmail.com