Laftagareen oo Amray dhimista Xubnaha Baarlamaanka KG * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laftagareen oo Amray dhimista Xubnaha Baarlamaanka KG

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magalada Baydhabo we Xarunta Gobolka Baay waxaa uu kullan kula qaatey Odayaasha Dhaqanka ugu caansan deegaannada Koonfur Galbeed. ay
Kulanka  madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka  ayaa waxaa lagu gorfeeyey soo xulista Xildhibaanada iyo dardar gelinta is waafajinta xildhibanada iyo Datuurka KGS oo ku xusan  in Xildhibaanada Barlamaanka Koonfur Galbeed laga dhigo  95 Xildhibaan meesha hadda ay ka yihiin 149 mudane.
Qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa  u mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kg sida marwaliba uu la tashi u siinayo Odeyaasha Dhaqanka,waxana ay soo dhoweyeen in Xildhibaanada barlamaanka kg laga Dhigo 95 Mudane
Malaaq Deerow Yacquub Cali Afhayeenka Odeyaasha Dhaqanka koonfur Galbeed oo ka warbixiyey Muhiimada kulanka iyo Waxyaabihii looga hadlay ayaa sheegay in la isku raacay 95 Xubnood ee laga dhigayo Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!