Lacago Shilin Soomaali cusub ah oo ciidamada amaanku ka qabteen Muqdisho
Mareeg.com: Ciidammada Ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyey degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho, iyagoo kusoo qabtay lacago been-abuur ah iyo dad lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab, sidaas waxaa sheegay Afhayeenka wasaaradda amniga Maxamed Yuusuf Maxamuud.
Howl-galkaan oo bilowday xalay maqribkii ayaa waxaa lagu soo qabtay jawaanno ay ku jirto lacago Shilin Soomaali ah oo dhawaan lasoo daabacay. Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii dhawaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu sheegay in lacag been abuur ah la soo daabacay, dalkana lasoo geliyey.
Afhayeenku wuxuu sheegay in maxkamad la soo taagi dadka lagu soo qabtay lacagtan been-abuurka ah iyo waliba dadka lagu tuhmayo inay ammaanka lidka ku yihiin, isagoo sidoo kalana sheegay iney ka shakisan yihiin kacagahaas Alshabaab ku lug leeyihiin.
Maxamed Yuusuf ma sheegin tirada dadka lagu soo qabtay howl-galkan. Dhwaan ayaa waxaa suuqayada Muqdisho lagu arkayey lacag shilin Soomaali cusub oo tayadeedu liidato.
Baahida loo qabo lacagta shilin Soomaaliga ah ayaa aad u badatay kadib markii ay aad u duugowday lacagtii hore ee 100-ka shilin ee Soomaaliga ah.
Mareeg Media
Comments are closed.