Labo weerar oo lagu qaaday dalka Denmark & khasaaraha ka dhashay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Labo weerar oo lagu qaaday dalka Denmark & khasaaraha ka dhashay

Mareeg.com: Booliska dalka Denmark ayaa sheegaya in seddax qof lagu dhaawacay weerar lagu qaaday meel aad ugu dhow macbadka ugu weyn ee Yuhuudda ee caasimadda dalkaasi ee Copenhagen.

Warqoraal ah oo booliska ay soosaareen ayaa waxa ay ku sheegeen in hal qof madaxa lagu dhuftay halka laba askerina laga dhaawacay gacmaha iyo lugaha.

Toogashada ayaa dhacday kaddib dhowr saac, markii qof u hubeysan uu dilay hal qof kaas oo rasaas ku furay meel kafateeriya ah oo ku taala caasimadda Denmark.

Goobtaasi waxaa ka socday dood ku saabsan aflagaadeynta diin iyo xuriyatul; qowlka. Seddax askeri ayaa halkaasi lagu dhaawacay.

Dooda waxaa ka qeybgalayay ninka farshaxanka sameeya ee u dhashay dalka Sweden, kaas oo sameeyay sawir gacameed uu ku matalay Nabi Maxamed SCW.

Goobta la weeraray waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Faransiiska ee dalka Denmark waxaana la sheegay in safiirku uu ka badbaaday weerarkan.

Denmark waxay aaminsan tahay in weerarkaasi uu ahaa mid ka dhan ah ninka lagu magacaabo Lars Vilks, maadaama uu horey sawir gacmeyd kaga sameeyay Nabi Muxammed (NNKH), isagoo markaasi ku aflagaadeynaaya.

Lars Vilks, ayaa horey kaga badbaaday isku dayo la doonaayay in lagu qaarajiyo, inkastoo uu si dirqi leh kaga badbaaday.

Helle Thorning-Schmidt, oo ah haweeneyda Ra’iisal Wasaaraha ka ah wadanka Denmark, oo xalay saxaafada la hadashay, ayaa waxay weerarkaasi ugu yeertay mid argagaxiso.

Boolisku waxay sheegayaan in ay wadaan baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan ninkii weerarkaasi geystay, oo weli aan si buuxdo loo aqoon cidda uu ka tirsan yahay.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!