Labo wasiir oo maanta hortegay baarlamaanka federaalka Soomaalya

Read Time:52 Second

Mareeg.com: Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa Maanta hortagay Wasiirka Wasaarada Maaliyada, Xuseen Cabd Xalane iyo Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka C/llaah Goodax Barre iyadoo Baarlamaanka ay ka hor aqriyeen arrimo la xiriira Wasaaradahooda.

Ajendayaasha maanta ee kalfadhiga Baarlamaanka ayaaahaa, Akhrinta Koowaad ee Miisaanaiyadda sanadka 2015, Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka, iyo  Akhrinta Koowaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hor akhriyay Baarlamaanka: Akhrinta Koobaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisaayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka, Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay soo akhristaan qorshayaashaas kana doodaan kalfadhiyada soo socda.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Xukuumada Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane ayaa Xildhibaanada ka hor aqriyay warbixin ku saabsan Miisaaniyad Sanadeedka ee 2015.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa Xildhibaanada ka codsaday iney u diyaar garoobaan Shaqooyinka adage e horyaalla waxa uuna sharaxaad ka bixiyay Fadhiyada Baarlamaanka ee soo socda.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.