Labo wasiir oo looga yeeray iney hortagaan baarlamanka federaalka Soomaaliya
Muqdisho – Mareeg.com: Labo wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada ayaa looga yeeray iney hortagaan Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib markii mooshin laga keenay.
Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay soo gudbiyeen mooshin ku aadan sidii baarlamaanka ay u hor-imaan lahaayeen Wasiirada Arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo Amniga qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, si loo weydiiyo su’aalo la xiriira arrimo badan.
“Waxaa isoo gaartay mooshin ay saxiixeen 15 xildhibaan oo ku saabsan in baarlamaanka ay horyimaadaan Wasiirada Arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka” ayuu yiri Jawaari.
Lama shaacin waxyaabaha la weydiin doono labada wasiir ee looga yeeray Golaha Shacabka, hase ahaatee howlaha wasaaradaha labadan wasiir ayaa xilligaan ku jira waqti xasaasi ah, maadaama dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah Alshabaab.
Mareeg Media
Comments are closed.