Labo Soomaali Ah Oo Afar Maalmood U Lugeeyey Tacsdiga Nalson Mandela

Read Time:48 Second

Pritoria, Mareeg.com: Laba nin oo Soomaali ah oo ka lugeeyay magaalada Petersburg ee dalka Koofur Afrika, ayaa gaaray caasimada dalkaas ee Pritoria, waxayna lugtu mku qaadatay 4 maalmood, si ay uga qeyb galaan geerida hogaamiyihii hore ee dalkaas ee geeriyooday Nelson Mandela.

Labadan nin oo sitay calanka dalka ayaa markii ay gaareen Pritoria, waxaa loo ogolaaday iney tagaan Xerada Ciidamada ee lagu hayay meydka Nelson Mandela.

Labadaan nin ayaa magacyadoodu kala yihiin Cabdi Xasan Jaamac oo loo yaqaan Gureey iyo Cumar Maxamed Cawaale oo isna ku magac dheer Cumar Xawaad.

“Fikrad ahaan waxaan is tusnay dad badan baa Caalamka ka imaanaya, baabuur haku yimaadeen ama diyaarado haku yimaadeen, laakiin anaga waxaan dooranay inaan lug ku tagno, waxayna nagu qaadatay 4 maalmood oo socod ah” yiri Cabdi Xasan Jaamac.

Hogaamiyihii la dalaagalay midab kala soocii cadaanka tirada yar ku hayeen madowga aqlabiyadda ah ee dalkaas Nelson Mandela ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso tuulo ka tirsan Capte Town..

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %