
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodon ee Gobolka Banaadir ay ku toogteyn rag hubeysan oo watay gaari nooca raaxada ah.
Waxaa la sheegay in Ciidamada markii hore ay ka shakiyeen gaariga ay wateen raga hubeysnaa ,isla markaana ay is dhaafsadeen rasaas muddo socotay Ciidamada dowlada iyo ragii hubeysnaa.
Saraakiil ka tirsan laamaha amniga dowlada ayaa sheegay in la toogtay labo nin oo saarnaa gaari noocada raaxada ah,halka dhinaca kale dhaawac uu soo gaaray saddex askari oo ka tirsan dowlada Soomaaliya,kadib markii ay israsaaseeyeen.
Goobta uu falkaan ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in la xiran,iyadoo dadka shacab ah loo diidaayo inay goobtaa maraan.
Waxaa weli la ogen ragaan hubeysan ee watay gaariga noocada raaxada ah oo ay Ciidamada saakay ku toogteen Magaalada Muqdisho waxa ay ahaayeen .