Labo Ruux Oo Maanta Isku Dishay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Labo Ruux Oo Maanta Isku Dishay Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo gaar ahaan deegaan qiyaas ahaan u jira 15km ayaa waxa ay sheegayan in maanta halkaasi ay isku dileen labo Ruux.

Labada Ruux ee maanta is dishay ayaa waxa la sheegay in ay isku dileen Tooreey sida ay inoo xaqiijiyeen dadka Deegaanka Afyar ee falka uu ka dhacay.

Labada Ruux ee is dishay ayaa waxaa la sheegay in uu soo kala dhexgalay muran xaga dhul beereedka ah sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa la sheegay in ay ku baxeen arinkaas  waxaana ay wadaan baaritaan ku aadan sida falkan uu u dhacay.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!