Orodyahano Soomaaliya u matalaya tartanka ciyaaraha fudud ee Afrika

Muqdisho – Mareeg.com: Dalka Soomaaliya ayaa ka qeybgelaya tartanka labaad ee Ciyaaraha Fudud ee Africa oo dhawaan ka dhacaya magaalada Gaborone ee dalka Botiswana.

Raysul waaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sagootiyay laba ciyaaryahan oo Soomaaliyeed oo ka qeyb galaya tartankaas.

Maryama Nuux Muuse iyo Axmed Xuseen Xasan ayaa Soomaaliya ku matali doona ciyaarahaas ayagoo orodka 800 iyo 1500 ee meter ku tartami doono.

Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Khaalid Cali Cumar ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu laabanayso dhammaan tartamada ciyaaraha ee caalamka, ayadoo laga rajo qabo inay natiijooyin wax ku ool ah ay gaaraan ciyaartoyada meteleysa.

Xoghayaha xiriirka ciyaaraha Soomaaliyeed ee GOS, Duraan Axmed Faarax ayaa kulankii sagootinta ka sheegay in tartanka ay ka qeyb galayaan ciyartoydan Soomaaliyeed uu 21-ka bishaan ka furmi doono waddanka Botoswaana.

Soomaaliya ayaan inta badan kaalimo muuqda ka gelin ciyaaraha heer gobo lama heer caalami ee ka qeybgasho, iyadoo arrintaas loo aaneynayo tababarka oo aan aheyn sidii loo baahnaa.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245