Labo Ku Dhimatay Qarax Loo Badinayo Iney Ku Aasayeen Galbeedka Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Labo Ku Dhimatay Qarax Loo Badinayo Iney Ku Aasayeen Galbeedka Baledweyne

Baledweyne – Mareeg.com: Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan, labo nin ayaa ku dhintay qarax ka dhashay miino ay ku aasayeen duleedka galbeed ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Maxamed Amiin ayaa sheegay in ay labada nin ka tirsanaayeen Al-shabaab, ayna doonayeen in ay qaraxa ku dilaan dadka rayid ah.

Maxamed Amiin ayaa xusay in ay ka war heleen in ay raggaas wateen walxo qarxa, isla markaana gaari uga dhageen halka uu qaraxa dhacay.

Qaraxyo nucaan ah oo ay ku dhinteen dadkii sameynayey ayaa horay uga dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!