Labo ka mid ah ciidamada Taraafikada oo lagu dilay degmada Waabari

Mareeg.com: Labo askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada wadooyinka Muqdisho ayaa lagu dilay meel ku dhowr Suuq Beerta ee degmada Waabari.
Raga dilka geystay ayaa la sheegay iney ku baxsadeen gaari yar oo ay wateen kadib markii ay rasaas la dhaceen ciidamadaan.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo meesha ka qaaday meydka labada askari waxaana ay durba sameeyeen howlgalo baaritaano ah oo dadkii dilka geystay lagu raadinayo.
Bilowgii Bisha Ramadaan ayaa Magaalada Muqdisho, waxaa lagu dilay labo kamid ah ciidamada ilaalada wadooyinka ee Taraafikada, kuwaasi oo ku sugnaa Wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ilaalada wadooyinka oo aan horay loo beegsan kirin ayaa tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan waxaa laga dilay ilaa 4 askari, waxaana dilka labadii hore sheegtay Alshabaab.
Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245