Labiskii Michelle Obama ku tagtay Sacuudi Carabiya oo muran dhaliyey (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 23 Second

Mareeg.com: Xaaska madaxweynaha dalka Mareykanka,  dood badan dhalisay kadib markii ay tagay Boqortiiyada Sacuudi Carabiya, iyadoo la socotay ninkeeda oo tacsi ugu tegay qoyska reer boqoqr ee dalkaas kadib geeridii Amiir Cabdalla Bin Cabdilcaziiz ee jimcihii tegay.

Dooda ayaa ka dhalatay iyadoo aysan dhowrin dhaqanka Islaamka, waxeyna iyadoo timaheedu qaawan yihiin wax ka qaabishay boqorka cusub ee Sacuudiga Amiir Salaan Bin Cabdilcaziiz.

Dhaleeceynta baraha bulshada loogu jeediyey  kuma koobneyn oo kaliya timaheeda banaanka yaallay ee waxaa sidoo kale lagu dhaleeceeyey iney soo xiraty dhar aad u ifaya oo midabka buluugu ku badan yahay, iyadoo tacsiyada aan looga baran labiska ceynkaas ah.

Inkasoo dalka Sacuudiga laga ogolyahay in dumarka ajnabiga timahooda banaanka dhigan karaan, haddan dadka doodaan furay ayaa barbar dhigay booqashooyin  ku tagtay dalalka Indonesia, India iyo Italy, kuwaasoo dhamaan la sheegay iney ilaalisay dhaqankii meelahaas ka jiray.

 oo sanadkii 2010 booqatay dalka Indonesia ayaa xiratay dharka dhaqanka u ah, waxeyna xijaabatay madaxa iyadoo ilaalineysa dalkaas oo ah dal Islaam ah.

54c8c65b601e9b797a8b456b

( oo ku sugan Indonesia)

Sidoo kale  markii ay sanadkii 2009 booqatay xarrunta Vatican-ka ee dalka Taliyaaniga ayay xiratay dharka dhaqanka u ah Kiristaanka ee la isla yaqaano.

54c8c646601e9b867a8b4569

( oo ku sugan Vatican)

Booqashadii ay dhawaan ku tagtay dalka Hindiya iyadoo la socota seygeeda ayey dadka ku salaantay salaanta gaarka ah ee dalkaas “Local Indian greeting”.

54c8c670601e9b9d7a8b456e

 ( oo ku sugan India)

Dad badan oo Sacuudiyaan ah iyo kuwa kale oo Muslimiin ah ayaa is weydiiyey sababta keentay in  iyadoo madax qaawan ay ku dhex socoto dhulka Xarameynka, xilli ay horay u xushmeysay diimo iyo dhaqamo kale.

 Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.