Labada aqal ee Somaliland oo ansixiyey gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Labada aqal ee Somaliland oo ansixiyey gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Mareeg.com: Fadhi wadajir ah oo ay maanta ku yeesheen magaalada Hargaysa labada aqal ee uu ka koobanyahay barlamanka Somaliland ayay waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen gudoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Somaliland.

Garyaqaan Adan Xaaji Cali Axmed waxaa dhawaan jagadaasi u soo magacaabay Madaxweyne Axmed siilaanyo, kadib markii uu eryay gudoomiyihii hore ee maxkamada sare. Labada aqal ee u codeeyay ayaa kala ah golaha guurtida iyo golaha wakiilada.

Fadhigan wada jirka ah ee maanta waxaa gudoominaayay gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleman Maxamuud Adan iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi.

Waxaa soo xaadiray 122 xildhibaan, waxaa codkooda siiyay 110 xildhibaan, waxaa ka aamusay 11 xildhibaan cid diidayna ma jirin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!