laba qodob oo uu kala hadlay Madaxweyne waare wakiilka cusub ee qaramada midoobay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

laba qodob oo uu kala hadlay Madaxweyne waare wakiilka cusub ee qaramada midoobay

muqdisho ( mareeg News ) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay kula kulmay magaalada Muqdisho Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, kuwaasoo horboodaya dadaalada lagu xalinayo khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Kulankan ayaa ka dhacay Xafiiska UNSOM ee Xalane, waxaana Madaxweyne Waare oo maalmahan ku sugnaa Jowhar uu u yimid Muqdisho kulanka Labada Wakiil ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika.

 

Warar ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare uu u gudbiyay Wakiilka Qaramada Midoobey walaaciisa ku aadan xiriirka sii xumaanaya ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, isagoo u caddeeyay in Hirshabeelle ay la heshiisay dowladda Federaalka, balse loo baahan yahay in tabashada dowlad goboleedyada qabaan la xaliyo.

 

Sida lagu qoray barta Twitter-ka ee UNSOM Nicholas Haysom Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in guusha laga gaaro Soomaaliya ay ku xiran tahay wadashaqeynta dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

 

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhowaan xafiiska la wareegay ayaa socdaalkiisa u horeeyay ee maamul goboleedyada ku tagay magaalada Kismaayo, isaga iyo Wakiilka Midowga Afrika Amb. Francisco Madiera.

 

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sii xoogeystay, markii maamul goboleedyada oo dhowaan ku shiray Garowe ay shirkooda kaga dhawaaqeen inay sameysanayaan Ciidamo u gaar ah, Talis iyo Sirdoonba leh, taasoo caqabad ku ah qorshaha ciidamo qaran lagu dhisayo.

 

mareeg.com

xafiiska muqdisho 

Email: info@mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!