Laba oday dhaqameed oo lagu diley deegaanka Sabiid ee Sh/Hoose

Read Time:41 Second

Rag hubeysan ayaa baratama deegaanka Sabiid oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay ku toogteen laba Oday Dhaqameed oo kamid ah dadka ku nool deegaankaas.

Qof ka mid ah dadka Degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay labada Oday ay ilaalo ka ahaayeen xarun Dhallaanka iyo Hooyada u shaqeysa oo ku taalla Sabiid,isla markaana raggii dilkaasi fuliyey ay goobta ka baxsadeen.

Labada oday ee la diley ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jirey Jaylaani Maki Aweys iyo Sheekh Xaamud, waxaana dilka u geystay dhallinyaro Baskoolado watay,waxaana la sheegay in xilligii uu dhacayay dilka labada Oday magaalada dhinaceeda kale uu ka socday dagaal ay Al-shabaab ku qaadeen halkaas.

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose wali kama hadlin dilka degaanka Sabiid loogu geystay labada Oday dhaqameed ee waardiyaha ka ahaa xarunta Hooyada iyo dhallaanka degaankaas.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %