Laamaha Amniga Somalia oo soo bandhigey Nin weerar qorsheynayey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Laamaha Amniga Somalia oo soo bandhigey Nin weerar qorsheynayey

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa baahisay sawirka Nin ay Hay’adu sheegtay in la qabtay,isaga oo doonayey in uu bam gacmeed weerar ku geysto.

Ninkaan oo NISA sheegin Magaciisa ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana uu doonayey in uu Bambo tuuro,hayeeshee Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA.

Ciidamada Amniga, ayaa caawa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe katirsan AS, isagoo doonayey inuu Bam-gacmeed tuuro, waxaana la qabtay isagoon wax qasaara ah u gaysan shacabka. Waxaana la xisaabtamaya hay’adaha ku shaqada leh ayaa lagu yiri”qoraalka NISA.

Nisa sidoo kale ma shaacin halka uu la damacsanaa weerarka Bam gacmeedka ahaa,balse ay sheegtay in howlgalka lagu qabtay Ninkaas uusan ka dhalan wax khasaaro ah.

Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay Barteeda twitter-ka ku baahineysay howlgallada ay fuliyaan ciidamada Amniga ee lagu soo qabto Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!